Soomaali
Tallaabooyinka digtoonaanta ee Guud
Waxaad halkan ka helaysaa talobixin fiican oo ku saabsan sida aad guud ahaan wax uga qaban karto xaaladaha dhibaato. Qofwalba shilal ama masiibooyin ayuu halis u geli karaa.
Haddii xaalad degdeg ah ay timaaddo
Haddii xaalad degdeg ah aad gasho, waa in:
- Aad garaacdo 112 ama hubiso in qof kale garaaci doono 112 haddii dad ay khatar ku jiraan ama qof uu dhaawacmay
- Aadan khatar gelin laftigaaga ama qof kale adigoon u baahnayn
- Aad isku daydo in aad is dejiso aanad dadka kale ka caawiso in ay sidaas sameeyaan
- Aad raacdo amarrada ay bixiyaan shaqaalaha gurmadka iyo booliisku
Haddii xaalad shil ay kuu dhow dahay
Addii aad joogto meel u dhow xaalad shil, oo aad khatar dareento, waxaa badi ugu fiican in aad:
- Gudaha gasho si aad isku badbaadiso
- Gudaha joogto ilaa aad nabad dareemayso
- Isku daydo in aad war ka hesho waxa dhacay, adigoo isticmaalaya raadiyaha, telefoonka gacanta, Internetka ama nidaam kaloo warbaahin
Haddii xaalad dhibaato ay bulshadaada ka dhalato
Waxaa jira waxyaabo farabadan oo aad samaysan karto si aad isugu diyaariso waqtiga xaalad dhibaato ay ka dhacdo xaafadda gurigaagu ku dhex yaallo. Waxaad soo ogaan kartaa:
- Sida loo xiro biyaha, gaaska iyo korontada la keeno aqalkaaga ama gurigaaga
- Haddii ay deriskaaga ku jiraan dad waayeel ama curyaan ah oo aad caawin karto
Maxaa dheer, waxaad ka firi kartaa oo aad qorshayn kartaa:
- Sida carruurtaadu dugsiga uga soo hooyan doonto
- Sida aad ula xiriiri karto qoyska muddada dhibaatada jirta
Waxyaabaha habboon in aad gurigaaga ku haysato si adiga iyo qoyskaagu aad diyaar u ahaataan haddii aad u baahataan in aad guriga joogtaan waqti siyaado ah:
- Cunto iyo biyo
- Daawooyinka takhtar qoray
- Raadiye batari ku shaqeeya
- Toosh iyo batariyo dheeraad ah, shumacyo iyo kibriid
- Qalabka gurmadka ugu horreeya
- Telefoonka gacanta
Redigeret 16.06.2008